Dowladda Kenya oo War kaso saartay Muwaadin kenyan ah oo Alshabaab katirsanaa

Dowladda Kenya oo War kaso saartay Muwaadin kenyan ah oo Alshabaab katirsanaa

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in mid ka mid ah Dadkii Al-shabaab ay ku dileen Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe uu u dhashay Dalka Kenya.

Magaca Ninka ay Kenya sheegtay in uu u dhashay Kenya ayey ku sheegtay Cumar Cadar Cumar oo ka mid ahaa 4;Qof oo Al-shabaab ay ku toogteen Bu’aale.

Al-shabaab ayaa afarta Nin ku eedeeyay in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee jooga Dalka,kuwaas oo ay ku toogteen fagaare ku yaalla Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubada dhexe.

Kenya waxaa ay sheegtay in Cumar uu ka soo jeedo Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari,kaas oo ay sheegeen in uu ka mid ahaa Afarta Qof oo AL-shabaab jaajuusnimada ku eedeeyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com