Dowladda kenya oo sheegtay inay qabteen Raashin loo waday Alshabaab

Maxamed Birik oo ah gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya  ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen  Raashin Kontorabaan ahaa oo laga qaaday gudaha Soomaaliya,islamarkaana la geeyay gudaha Dalkaaasi,waxaa ayna ku qabteen dhadhaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa sheegay in waxyaabaha sida sharci darada loogu iib geeyo dalka Kenya ,islamarkaana lagu maal geliyo  dagaalamayaasha Al Shabaab.

Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in dowladda Kenya ay waddo qorshe ku aadan in ay xirto goob kasto oo Shabaab ay dhaqaallo ka heli layaan.

Guddoomiyaha ayaa digniin u jeediyay ganacsatada iyo dadka wax dhoofiya, isagoona sheegay  in ay ka digtoonaadan in ay sharci daro  ganacsi ku geliyaan dalka Kenya,Waxaa uuna tilmaamay la tilaabo cad ah laga qaadayo ,islamarkaana  sharciga la geyn doono.

Maxamed Birik gudoomiyaha gobalka waqooyi Bari  ayaa sheegay waxyaabaha ay qabteen in ay ahaayeen Sokor, saliida cunada lagu kariyo iyo bariis,  islamarkaana waxaa uu tilmaamay in  xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya lagu qabtay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com