Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Alshabab.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay  in ay ka feejigan tahay Weeraro qorsheysan oo Xarakada Al Shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka Mombaza, Nairobi  iyo sidoo kale Saldhigyada ay ku leedahay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , islamarkaana ciidankeeda ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo Sidoo kale xadka ay wadagaan labada dal.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorshanayaan weeraro ay ka geystaan dalka Kenya , gaar ahaan magaalooyinka Mombaza iyo sidoo kale Mandera.

Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca dalka kenya   ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto feejignaan dheeri ah , islamarkaana ciidankeeda ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ka ilaaliyaan in ay kasoo gudbaan xadka wadaagaan labadal.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com