Dowladda Kenya, “Alshabaab Waxay Qorshaynaysaa Inay Weeraro Ka Fulison 7 Gobol”

Dowladda Kenya, “Alshabaab Waxay Qorshaynaysaa Inay Weeraro Ka Fulison 7 Gobol”

Sirdoonka dalka Kenya ayaa soo saaray warbixin la xiriirta digniin ku aadan weeraro Shabaab ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya inta lagu guda jiro Doorashada Madaxtinimada dalkaasi.

Warbixinta Sirdoonka ay soo saareen ayaa la gaarsiiyay Booliska dalka Kenya, waxaana Saxaafadda la hadlay Taliyaha ciidamada Booliska Kenya oo shacabka la wadaagay digniinta ku aadan weeraradaasi Shabaab ay qorsheynayaan.

Xogta Sirdoonka dalka Kenya soo gudbiyeen ayaa lagu sheegay Gobolada Shabaab ay doonayaan inay weeraraan inay kala yihiin Mandera, Wajir, Garissa, Lamu, Tana River, Kilifi iyo Mombasa oo dhamaantood Soohdin la leh dalka Kenya.

Booliska waxa ay intaa ku dareen in ujeedada weerarradaas ee Al-Shabaab ay tahay in dadka Kenyaanka ah lagu cabsi galiyo sidoo kalena aysan ka qayb qaadan doorashada ka dhaceysa Kenya 8 Bisha August ee soo socota.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay weerarada Shabaab inay qorsheeyeen maalmaha soo socda, maadaama 8-da Bisha soo socota ay dhaceyso doorashada maantana Bisha July ay tahay 31.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com