Dowladda Jarmalka oo dhaqaale boqol milyan doolar sheegtay inay ugu yaboohayso Soomaaliya

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in boqol milyan oo doolar ay ugu yaboohayso Sooomaaliya, sidaasina waxaa sheegay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo ka hadlayay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa ka sheegay hadalkan munaasabad lagu xusayay midowga labada  Jarmal oo kadhacday Muqdisho oo ay ka qaybgaleen wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Jarmalka dal saaxiib la’ ah Soomaaliya ayna ku faraxsanihiin munsaabaddooda Muqdisho.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com