Dowladda Jarmalka oo joojinaysa taageerada ciidan ee ay Soomaaliya siiso

Dowladda Jarmalka oo joojinaysa taageerada ciidan ee ay Soomaaliya siiso

Dowladda Jarmalka ayaa Khamiistii 01-dii bishan shaacisay iney joojineyso guud ahaan ka qeyb qaadashada tababarkii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Millitariga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Jarmalka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya laga saari doono bisha March ee sanadkan 5 Askari oo Tababarayaal ah, kuwaasi oo u dhashay dalkaasi, taasi oo ka dhigan inuu soo gaba gabeynayo Howlgalkiisa Soomaaliya.

“2010 ilaa sanadkan 2018 ayaan wadnay tababarka iyo taakuleeynta Ciidanka Milliteriga, hadda waxaa noo muuqaata iney wax walba ku laabteen meel fool xun sidaas darteed waan joojinay tababarkii aan wadnay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Germany.

“Ciidamda Qaranka Soomaaliya horumarkoodu si gaabis ah ayuu ku socdaa waxaan keenay dhibaatooyinka ka taagan dhanka siyaasadda iyo waliba hay’adihii dowladda oo heerkii ku haboonaa uusan gaarin dhismahoodu”. Waxaa sidaas Reuters u sheegay De Siegel oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda Jarmalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com