Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay kabaxday Heshiis ay la gashay Shirkadda DP World

HomeWararka

Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay kabaxday Heshiis ay la gashay Shirkadda DP World

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday iney ka laabatay heshiiskii ay kula jirtay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Carabta.

Beeraha deegaanka Dhud oo Bosaaso ku soo bandhigay dalagyada ka soo baxa Beeraha ku yaalada degaanka (dhagayso) +Sawiro
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)
Siyaasi Cali Tay: ” Madaxweyne deni Sharciga ku dhaqan

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday iney ka laabatay heshiiskii ay kula jirtay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Carabta.

Heshiiskan oo labada dhinac udhexeeyay Lixdii sano ee ina dhaaftay ayaa istaagay Khamiistii Shalay kadib markii ay Jabuuti ku dhawaaqday iney ka baxday heshiiska, sababo ku aadan eedeymo loo Jeediyay DP World, Heshiiska horay waxa uu ahaa mid Shirkada ay ku qaadaneyso dhaqaalaha ugu badan ee Dekedaha ka soo xarooda.

Waxaa lagu Wareejiyay Maamulka Dekeda Dooraale Shirkad Cusub oo leedahay Dowladda Jabuuti taasoo dakhliga ay soo xareyso ay isticmaaleyso Dowladda Jabuuti.

DP World ayaa horay uqaadaneysay 33% Dhaqaalaha Dekeda ka soo xarooda, Halka Dowladda Jabuuti ay qaadaneysay 67%, Sidoo kale dowladda Jabuuti ayaan loo ogoleyn iney dhismo iyo dib udayactirba ku sameyso Dekeda taasoo kamid ah waxyaabaha ay dhibsatay Dowladda.

Masuul katirsan Dowladda Jabuuti oo la hadlay Warbaahinta sheegay iney dib ucelinayaan lacagihii ka galay Shirkada laga leeyahay Imaaraatka Carabta ee DP World taasoo qeyb ka eheyd Heshiisyadii horay loo kala saxiixday.

Meelaha ay Dekedaha ku leedahay Shirkadan ayey Masuuliyiinta Jabuuti sheegeen iney hormariyaan dhismaha Dekeohooda balse ay la yaabeen waxa ka hor istaagay iney balaariyaan Dekeda Dooraale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: