Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay guul ka gaadhay xakamaynta Viruska Covid-19

Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay guul ka gaadhay xakamaynta Viruska Covid-19

Dowladda Jabuuti oo kamid ah wadamada Afrika ee uu sidaweyn u saameeyay cudurka Safmarka ah ee Coronavirus ayaa sheegtay in xilligaan ay guul muiim ah ka gaareen xakameynta Cudurka.

Dr Xuseen Yuusuf Dharaar oo kamid ah dhaqaatiirta waaweyn ee dalkaas sidoo kalena Madax u ah guddiga loo xilsaaray ka hortagga cudurka Covid-19 ee dalkaas ayaa sheegay in Saddexdii todobaad ee ugu horeysay tan iyo Cudurka markii laga helay Jabuuti ay sii kordhayeen,hayeeshee ay haatan xaaladu ay isbedeshay.

Dr Xuseen oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in dadaal farabadna oo la sameeyey ay sababtay in uu yaraado faafitaanka Cudurka COVID 19 haatana maalintii laga helo wax ka yar 10 Ruux.

Waxaa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in dalka Jabuuti uu gebi ahaanba ka dhamaado Cudurka,isaga oo sheegay inay weli talooyin iyo digniino siinayaan Shacabka ku nool dalkaasi Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa uu kamid noqday dalalka ugu badan ee laga helay Cudurka Coronavius,waxaana jiray in dadka ku nool dalkaas la saaray xayiraado kala duwan walow todobaadkaan la khafiifiyay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com