Dowladda Itoobiya oo Ku eedaysay Somaliland inay Barakicinayso Qoomiyadda Oromada

Dowladda Itoobiya oo Ku eedaysay Somaliland inay Barakicinayso Qoomiyadda Oromada

Itoobiya ayaa maamulka Somaliland ku eedeysay in ay barakicin ku hayaan Dadka Oromada ah ee ku sugan degaannada Maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Itoobiya Negeri Lencho,ayaa Maamulka Somaliland ku eedeeyay in 3,000 oo Oromada ay qasab uga barakiciyeen degaannada Waqooyiga Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Oromada lagu bartilmaameedsaday degaannada Maamulka Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,isaga oo ku baaqay in arrintaas la joojiyo.

Waxaa uu xusay in dowladda Federaalka Itoobiya ay waddo baaritaan la xiriira wixii ka dhex dhacay Oromada iyo SOomaalida islamarkaana ay soo saari doonto natiijada baaritaanka marka uu soo dhamaado.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com