Dowladda Itoobiya oo beenisay War laga baahiyey Abiy Axmed & Uhuru Kenyatta

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo Warbaahinta qaar ay baahineysay in uu khilaaf xoogan soo kala dhex-galay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,hayeeshee waxaa warkaasi beenisey Dowladda Itoobiya.

War kasoo baxey Safaaradda Itoobiya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa waxba kama jiraan lagu sheegay warka ku aadan khilaafka Uhuru Kenyatta iyo Abiy Axmed,iyada oo arrimaha la xiriira khilaafka uu soo ifbaxey markii uu baaqdey kulankii la filayey in 20-kii Bishaan ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha labada dal.

Dhawaan Madaxweynaha Itoobiya Sahle Work Sewde ayaa waxaa ay la kulantey dhiggeeda Kenya,iyaga oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen khilaafka la xiriira Wabiga Nile ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar,waxaana jirey warar sheegayay in kenya ay taageero u muujisey Dowladda Itoobiya.

Kulanka dhex-mari lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa ku wehlin lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,hayeeshee dib loo dhigey sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Saddexda dal.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com