Dowladda Iraan oo sheegtay in Somaaliya lagu Dilo Kaluumaystada kasoo jeeda

Dowladda Iraan oo sheegtay in Somaaliya lagu Dilo Kaluumaystada kasoo jeeda

Dowladda Iraan ayaa ka hadashay dil dhawaan Ciidamada ilaalada xeebaha Maamulka Puntland ay u geysteen Kalluumeysato Reer Iraan ah oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya.

Ali Asghar Mir-Shekari, oo ah guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Balochestan,ayaa sheegay in Kalluumeysata Iraan ee dilka dhaawaca iyo xariga la isugu daray ay ruqsad u heysteen in ay ka kalluumeysan karaan waxaana ay ka heysteen Gobolka Sistan iyo Balochestan ee Dalka Iraan.

Waxaa uu sheegay in Iraan ay ka mid tahay 33-da Dal ee ku jira Ururka IOTC,kuwaas oo fasax u heysta in ay ka kalluumeystaan Galbeedka Hindiya.

Waxaa uu sheegay in 1,200km meel ka fog biyaha Iraan ay rasaas kula kulmeen,islamarkaana ay sababtay in uu dhinto Kabtankii waday Doonta ay la socdeen 18 Iraaniyiin ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com