Dowladda Inigriiska oo Baaraysa Musuq-Maasuqa shirkadaha Shidaal baarista Soomaaiy

Isniin, Ogoosto 10, 2015 (Daljir) — Xafiiska la dagaalanka Musuq maasuqa Britain ayaa bilaabay baaritaan ku wajahan shirkadaha saliidda ee ka hawlgala Soomaaliya oo lagu eedeeyay musuq-maasuq.

Xafiiska ayaa baaritaan gaar ah ku sameynaya shirkadaha Soma Oil & Gas Holdings Ltd, Soma Oil & Gas Exploration Ltd, iyo Soma Management Ltd, kuwaas oo lagu eedeynayo inay bixiyeen lacag dhan $600,000 oo la siiyay wasaaradda macdanta iyo shidaalka Soomaaliya, taasoo ku baxday wax lagu sheegay heshiis awood-dhisid ah.

Lacagta sharci darrada ah waxaa la sheegay in loo isticmaalay in lagu laaluusho saraakiisha sare ee Dawladda federalka. Xafiisku wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo cid walba oo ku taageeri karta macluumaad ku saabsan baaritaankiisa

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa warbixin u gudbiyay Golaha Ammaanka, taasoo ku saabsan in saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya, ay ka caawiyeen in shirkada Soma xaqiiqsato wada xaajood laga yaabaa inuu ku baxay lacago badan.

Dhinaca kale, Wargeyska The Financial Times ayaa warbixin dheer oo uu qoray waxaa uu ku sheegay in lacagta  laaluushka ah ee ay bixisay shirkadda shidaalka Ingiriiska ee Soma Oil and Gas la yiraahdo ay ku bixisay dalab kaga yimid madaxda wasaaradda batroolka Soomaaliya.

Wargayska waxaa uu sheegay inuu helay nuqulka warqad uu wasiirka wasaaradda batroolka xukuumadda Soomaaliya bishii Marso sanadkii hore ee 2014 taasoo uu ku codsanayay in shirkaddu bixiso lacag wasaaraddu u baahantahay.

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *