Dowladda Imaaraadka oo Balan-qaadyo u samaysay Somalia

Isniin,,Ogoosto 24 ,2015(Daljir)_ Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Hassan Sheikh Mohamoud iyo Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta uga wakiilka ah Somalia, Mohamed Ahmed Al-osman ayaa waxay Kulan Khaas ah ku yeesheen Xafiiska Madaxweynaha.

Wargeyska Gulf Today ee ka soo baxa dalka Imaaraadka ayaa qoray inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjiraha ka wada hadleen xiriirka labada waddan iyo qoddobo khuseeya Danaha Guud ee Labada Waddan.

Madaxweyne Xasan waxa uu Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey Taageeradda ballaaran ee ay la garab taagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed, Hawlaha lagu soo celinayo Deganaanshaha Somalia iyo Mashaariicda Horumarinta.

Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta uga wakiilka ah Somalia, Mohamed Ahmed Al-osman oo ka hadlay Shirkaasi aaya uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh dadaalkiisa ku aadan xoojinta xiriirka labada waddan.

Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka waxay ka mid tahay dowladaha Carabta ee fara-ku-tiriska ee  Dowladda Federalka ka taageera dhinacyadda Dhaqaalaha, Siyaasadda, Horumarinta, Qalabaynta Ciiddamadda iyo Xoojinta Hawlaha lagu sugayo Ammaanka Qaranka.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com