Dowladda Holland oo aqoonsatay Baasaboorka Shaqada iyo Diblomaasiga ee Soomaaliy

HomeWararka

Dowladda Holland oo aqoonsatay Baasaboorka Shaqada iyo Diblomaasiga ee Soomaaliy

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda

Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Ibraahin, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Khudbad ka Jeediyey Shir ka Furmay Doxa (daawo)

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorada Diblomaasiga iyo Shaqaalaha ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu Cali Saciid Fiqi.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waday dadaalo lagu horumarinayay Baasaboorka Soomaaliga, una heli lahaa aqoonsi caalami ah oo lagu tagi karo dhammaan dalalka Adduunka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: