Dowladda Guatamala oo safaaraddeeda Tel Aviv u raraysa Qudus

Madaxwaynaaha dalka Guatemala Jimmy Morales ayaa amray safaaradda dalkiisa ee Israa’il in loo raro magaalada barakaysan ee Qudus.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu ku sheegay Mr Morales go’aankan inuu qaatay kadib wadahadal uu la yeeshay raysul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu.

Todobaadkii hore Guatemala ayaa ka mid noqotay sagaal wadan oo kasoo horjeestay Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee ka horimaanaya aqoonsiga madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ee Qudus inay caasimad u tahay Israail uuna rarayo safaaraddisa Televiv.

Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu jarayo kaalmadii uu siin jiray dalalka ka codeeyey Mareykanka ee kasoo horjeestay go’aankiisa Qudus.

Guatemala ayaa Mareykanka ka hesha deeq aad u balaaran, iyadoona ka mid ah dalalka uu gargaarka uu u siiyo.

Madaxwaynaha Guatamala Morales ayaa sheegay inay lagama maarmaan ay tahay masuuliyiinta dalkiisa inay tixgelin siiyaan wada shaqayn, kahor inta aanu ku dhawaaqin safaaraddiisa Televiv inuu u rarayo magaalada Qudus.

Waxaa uu sheegay dowladdiisa inay waligayd Israail ay u ahayd isbahaysi taageero u haya Israaiil.

Go’aanka Qudus ee caasimadda Israaiil ayaa cirka usii shareeray khilaafkii Falastiinyiinta iyo Israaiil.

Israaiil ayaa la wareegtay bariga magaalada Qudus , oo horay uhaysatay Jordan, sanadkii 1967dii dagaalkii Bariga Dhexe iyadoona u arkaysa inay tahay caasimad mudnaan u leh, inay usii madaxbaaantahay magaalada Qudus ayaa caalamku u aqoonsanayn, balse madaxwaynaha Mareykanka Trump ayaa soo saaray dhowaan sharci uu ku aqoonsanayo inay ka mid tahay dhulka Israa’iil uuna u rarayo safaaraddii uu ku lahaa magaalada Tel Aviv.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com