Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maxaabis kujirta Xabsiyadda Liibya Dalka keenaysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maxaabis kujirta Xabsiyadda Liibya Dalka keenaysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale lagu wadaa in maalinta Arbacada ee todobaadkaan ay Magaalada Muqdisho keento Dhalinyaro ku xiran wadanka Liibiya.

Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaalida ee Liibiya ayaa laga soo xigtay in qorshahaan uu qeyb ka yahay dib u soo celinta dhalinyarada ku xiran Xabsiyada dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Safaaradda Soomaalida ee Liibiya oo ay kaashanaayn Xubno ka socda Qaramada Midoobe ayaa tagay Xabsiyo ay ku xiran yihiin dhalinyaradaasi, si ay ula wareegeen, kadibna ay qorsheyaan dib ugu soo celinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya xubnaha ka socda waxa ay sheegeen in aanan suurta gal aheyn in ay tagaan Xabsiyada qaar, looona sheegay in ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaali ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com