Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay dhex dhexaadinta laga dhex Waddo Imaraadka

intii uu socday Shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalaa Dahraan ee dalka Sacuudiga,waxaa dhinac socday dadaalo lagu dhex dhexaadinayay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa mugdiga soo kala dhex galay labada dowladood.

Diblomaasiyiin ka socday labada dowladood iyo Jaamacadda Carabta ayaa dhowr mar kulmay waxa ayna isla falanqeeyeen sidii loo dhammeyn lahaa xiisadda taagan, Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay soo dhaweynayso wada xaajood walba oo lagu dhammeynayo is faham waaga, iyada oo la ilaalinayo madaxbanaanida lana xushmeynayo xiriirka labada wadan, sida ay SONNA u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Garwadeenada wada hadalka ee ka socday Jaamacada carabta ayaa sheegay in horumar fiican laga sameeyay wada hadalka, labada dhinacna ay muujiyeen isu soo dhowaasho, waxayna u ballameen fadhiyo kale si loo soo afjaro xiisadda labada dowladood ka dhex taagan.

War-saxaafadeed ay horrey usoo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyey sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Imaaaraadka iyo in Soomaaliya ay diyaar u tahay in meesha laga saaro is afgaran waaaga labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya sidoo kale waxa ay sheegtay in xiriir soo jireen ah ay la leedahay Imaaaraadka ayna muhiim tahay in uu sii jiro xiriirkaas, maadaama labada dal wadaagaan iskaashi dhinaca ganacsiga ah sidoo kalana ay ka dhexeeyaan dano badan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com