Dowladda Federaalka oo Muqdisho ka Furtay Shir Muhiim ah (dhegayso+Sawiro)

Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ,waxaa maanta ka furmay shir muhiim ah oo Madashada Sanadlaha,kaas oo Sanadleh ah oo sanad walba xiligan oo kale la qabto,iyado ay kaso qayb galaan Masuuliyin kala duwan.

Madashada Maamulka Guud ee Hey’adaha Dowlada oo sanadla ah ayaa waxaa looga gonleeyahay isku xerka Hey’adaha kala duwan ee Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed Sabtidii maanta ayaana laga daah-furay Magaalada Muqdisho.

Madashan waxay kulmisay Xubno Wasiiro u badan oo ka socda Dowlad Goboleedyada Mas’uuliyiin katirsan Heyadaha Dowlada Federaalka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Federalka iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha .

Ugu horeyn Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Federalka Saalax Axmed Jaamac oo Shirka ka hadlay ayaa ka hadlay ujeedka shirka ,isago ka mahadceliyaay qabkay uga qayb galeen shirkan masuuliyinta iyo Wasiirada.

dhinaca kale Maddasha waxaa ka hadlay Cabdulaahi Xaamud oo ah Wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,isago sheegay inuu ku faraxsanyahay in uu ka qayb galo shirkan.

Hoos kadhegayso codadka laga jeediyeey



Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com