Dowladda federaalka oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee qorshaha Roadmap-ka.

Muqdisho, Nov 20 – Ra?iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah ?Rodmap? 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka ?roadmap? 2011/2012.

Ra?iisal Wasaaraha Somalia ayaa in muddo ahba waday la tashiyo uu la sameynayey hay?adaha dastuuriga ah, iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo gaar ahaan saxiixayaashii Roadmap ka ee ku hawlanaa dhaqangelinta Roadmap ka. La tashiyo fara badan ka dib ayuu Ra?iisul Wasaarahu waxuu soo dhisay guddiga wadajirka ah.

Guddiga Wadajirka ah waxuu ka koobanyahay Hay?adaha Dastuuriga ah, Puntland iyo Galmudug, Ahlu Sunna Wal-Jameeca (ASWJ), xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah iyo khubaro. Guddigan ayaa waajibaadkiisu yahay diyaarinta qaabkii lagu dhaqan geli lahaa dastuurka cusub wuxuu kaloo wadatashiyo uu la yeelan doonaa dhinacyada kala duwan, kana soo tala bixin doonaa qaabkii lagu sameyn lahaa dib u habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka dastuurka.

Xubnaha Guddiga Wadajirka ah ayaa kala ah

1- Cabdullaahi Axmed Calasow

2- Maxamed Cali Nuur

3- Salaad Axmed Caynte

4- Cabdi Saciid Farax (Juxa)

5- Cabdulqaadir Cabdi Xaashi

6- Engineer. Axmed Shirwac

7- Maxamed Diheeye Ismaaciil

8- Siraad Xasan Cali Xirsi

9- Cabdullaahi Cismaan Ducaale

10- Cabdullaahi Xaaji Xasan

11- Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen

12- Raba?o Sheekh Nuur

14- Maryan Aweys Jaamac

16- Dr. Cali Nuur Axmed

18- Engineer Sadik Mire Samantar

Guddigan ayaa hawshooda si deg deg ah u billaabi doono, si ay u qabsadaan hawsha uu farayo ?Roadmap-ka.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com