Dowladda Federaalka oo ka hadashay Hub yari soo wajahday

Dowladda Federaalka oo ka hadashay Hub yari soo wajahday

Warbixin ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay sahan ay isugu diyaarineyso howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ayey ku ogaatay in Ciidamada Dowladda u diiwaangashay aysan 30% Hub heysan sidoo kalena kuwa kale aysan heysan Hub waaweyn oo ku filan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa sheegay in sahanka ay dowladdu fulisay uu amray ra’isalwasaaraha Soomaaliya islamarkaana la isugu diyaarinayo howlgal wadajir ah oo ay Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ku qaadaan Al-shabaab.

Wasiirku waxaa uu sheegay in tirada Ciidamada Dowladda Soomaaliya u diiwaangeshay ay gaarayaan 26,000 (Lix iyo labaatan kun) oo Askari,kuwaas oo isugu jira kuwo diyaar ah,howlgal,kuwo lixaadkoodu dhimanyahay iyo Agoon.

Wasiir Mursal ayaa sheegay in sahanka wajigiisa 1aad la soo gaba gabeeyay islamarkaana wajiga 2aad ay ku soo bandhigayaan tirada saxda ah ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ee diyaarka u ah howlgalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com