Dowladda Federaalka oo beenisay in Madaxda kenya & Somalia ku kulmeen Addis Ababa

Dowladda Federaalka oo beenisay in Madaxda kenya & Somalia ku kulmeen Addis Ababa

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa beenisay inuu jiro kulan ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan 13ka bishan magaalada Addis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibbada oo wareysi siiyay BBCda ayaa sheegay in wasaaraddiisu qaabilsantahay arrimaha dibadda wararkaasna ay yihiin kuwo laga been abuurtay.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa warbaahinta Soomaalida,tan Kenya iyo tan Itoobiya ay baahinayeen in 13ka bishan ay magaalada Addis ababa ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru,kulankaa oo uu garwadeen ka yahay ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com