Dowladda Farmaajo oo ku howlan soo Celinta Kaalmadii Maraykanka siin jiray DFS

Dowladda Farmaajo oo ku howlan soo Celinta Kaalmadii Maraykanka siin jiray DFS

Dowladda federaalka ayaa heshiis la gashay shirkadda laga leeyahay dalka Maraykanka oo ka caawin doonta, una ololayn doontaa sidii dib loogu soo celin lahaa deeqdii Dowladda Maraykanku siin jirtay ciidamada nabad sugiga, Sirdoonka iyo amniga ee Federaalka

shirkada oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group (SPG) ayaa heshiiska lala galay wuxuu ku kacaya lacag dhan Afar boqol oo kun oo dollar ($400,000). Heshiiskan la saxiixay bishan August waxaana dhinaca dowladda federaalka u saxiixay Safriika Qaramada Midoobay Abukar Cismaan iyo Christian Bourge oo matalayay shirkadda SPG).

Shirkadan Waxay hore heshiisyo noocan oo kale ah la gashay dowladda Kenya, waxyaabaha ay qaban doonto waxaa ka mid ah diyaarinta iyo suurtagalinta wadahadalo lala galo Saraakiisha aqalka cad ee Maraynka iyo xubnaha barlamaanka Maraykan si loo qanciyo inay soo afjaraan qayb ka mid ah xayiraada maraykanku uu ku soo rogay lacagihii la siin jiray ciidamadda dowladda Federaalka

Maraykanka ayaa qayb ahaan hakiyay lacago uu ku taageeri jiray dowladda Federaalka iyo ciidamada Federaalka, gaar ahaan shidaalka iyo cunnada ka dib markii ay soo baxday in musuqmaasuq xoogan uu ka jiro. dowladda federaalka ay ku doodaysaa in tallaabadii maraykanku uu qaaday ay dhaawacday awoodii ciidamadda, gaar ahaan kuwa sida tooska ula dagaalama kooxda Al-shabaab ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com