Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo maamulka Puntland usoo jeediyay iskaashi la xiriirta wax soo saarka shidaalka.

Muqdisho,Dec,19 -Wasiirka macdanta iyo biyaha dowladda faderaalka ee Soomaliya Cabdi Maxamed Dhisow oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo heshiis kasta oo dowladda Puntland ay la gasho shirkadaha baara shidaalka.

Wasiirka ayaa sheegay dalka Soomaaliya inuu leeyahay kheyraad fara badan oo isugu jirta gaaska dabiiciga ah,macdan kale duwan iyo shidaal,islamarkaana ay wasaaradiisu raali ka tahay shirkad kasta oo daneyneynaysa inay maalgashi ku samaysato dalka.

“Waxaa fiican xukuumadda Somaliya iyo dowlad goboleedka Puntland siwada jir ah in loo wada shaqeeyo”ayuu yiri wasiirka macdanta iyo biyaha dowladda faderaalka Soomaliya oo intaasi raaciyay in sharciga batroolka Soomaaliya ee baarlamaanku ansixiyay sanadkii 2007-dii inuu qeexayo dowlad goboleedyada faderaalka hoos imaanaya inay shidaal soo saaraan.

Wasiirka ayaa waxaa dhinaca kale uu sheegay wax lagu farxo inay tahay Puntland inay soo saarto shidaal,isagoona sheegay dowladda dhexe ee Somaliya inay qayb ku lahaan doonto shidaalka Puntland laga soo saarayo.

Xukuumadii faderaalka ee uu hogaaminayay ra’isal wasaarihii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa horay siweyn uga soo horjeesatay heshiisyo la shaaciyay dowladda Puntland inay la gashay shirkado ajnabi ah oo kheyraad ka baari doona gudaha Puntland.

Maxamed Cabdi Kuuriya

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com