Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo laga codsaday inay la xaajooto dowlad goboleedyada

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo laga codsaday inay la xaajooto dowlad goboleedyada

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu tilmaamo dadka mucaaradka ku ah xukuumadda hadda jirta ee madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda faderaalka inay la xaajooto dowlad goboleedyada Soomaaliya ee ku shirsan magaalada Kismaayo, kuwaasi oo khudbadihii furitaanka ee shirkooda si’aad ah ugu dhaliilay dowladda dhexe.

Isagoo yiri waxaa jira howl muhiim ah oo ka dhexeeye dhinacyadan.

“Dawlada Federaalka iyo dawlad Goboleedyada waxaa ka dhexeeya hawl laga maarmaan u ah geedi socodka ku meelgaarka looga baxayo. Waxaa hawlahaas ugu muhiimsan; dhismaha ciidan qaran oo karti leh, kalsoonina lagu qabi karo, la dagalaan ka Alshabaab, dhamaystirka qabya qoraalka dastuurka, meelmarinta sharciga doorashooyinka, qabashada doorasho qof iyo cod ah, hannaanka uu garsoorka dalka u shaqaynayo, qaybsiga awooda, khayraadka iyo dakhliga dalka”

 

Waxaa uu intaa kusii daray baaqiisa” Waxaa Federaalka la gudboon, lama huraan waa cawska jiilaale in ay shirka Kismaayo la xaajooto, inta aysan natiijo ka soo bixin”

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ee ku shirsan magaalada Kismaayo ayaa waxaa aad looga bartay ka hadalka siyaasadda dibadda, iyadoo badi madaxwaynayaashaasi aanay joogin deegaamada maamulkooda katirsan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com