Dowladda Denmark oo Qaxooti ku sugan dalkeeda dib ugu soo celinaysa Soomaaliya

Isniin, Luuliyo 20, 2015 (Daljir) — Qaxootiga Soomaalida ee dalka Denmark ayaa ka walaacsan qorshe dowladdu ay ku dooneyso in Qaxootiga ay dib ugu soo celiso Soomaaliya, xilli qaxootiga Soomaliyeed ay arrinkaasi ku tilmaameen mid ka baxsan sharuucda caalamka.

Qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee Wadanka Denmark oo la hadlay Sanaagpost ayaa sheegay inay aad ugu wal walsanyihiin qorshaha dowladda Denmark ay ku dooneyso inay ku soo musaafuriso qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool.

Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Denmark “Dowladda Denmark waxa ay noo sheegtay inay Soomaaliya, nagu celineyso Dalkii Hooyo ay na geyn doonaan, anagu waxaanu nahay Qaxooti marka fursad ma u heli karno in aan la kulano Madaxda dalkan, baarlamaanka ayaa hortooda ku mudaaharaadnay oo aan ka codsanay in magangelyo nala siiyo, inkasta oo aan weli jawaab rasmi ah helin”

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com