Dowladda Canada oo Somaaliya Dhaqaale ugu deeqday

HomeWararka

Dowladda Canada oo Somaaliya Dhaqaale ugu deeqday

Wasiirka Muhaajiriinta, Qaxootiga iyo Muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen ayaa shalay ku dhawaaqay inay Somalia siinayaan Kalamo dheeraad ah

DR Congo oo si rasmi ugu biirtay ururka dalalka Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo (EAC)
Muxuu Salka ku Hayaa Mooshinka Muqdisho ka Socda yaa se ka Dambeeya?
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Wasiirka Muhaajiriinta, Qaxootiga iyo Muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen ayaa shalay ku dhawaaqay inay Somalia siinayaan Kalamo dheeraad ah oo dhan 18 million oo Dollar oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku nool Somalia, kuwaasi oo wajahaya Macluul, Barakac, Cudduro, Ammaan La’aan iyo kuwa xoolahooda ku waayey Colaadaha weli socda, Abaaraha iyo Masiibooyinka Dabiiciga.

Wasiirka oo asal ahaan Somali ah waxa kale oo uu tilmaamay in Kaalmadan Cusub lagu wareejin doono Hay’addaha qM, Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas iyo Ururradda aan Dowliga ahayn si ay dadkaasi u gaarsiiyaan Adeegyadda Caafimaadka, Biyaha, W/barashadda iyo Nafaqaynta iyo Badbaadinta Carruurta.

Dhinaca kale, Wasiirka Muhaajiriinta, Qaxootiga iyo Muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen waxa uu tilmaamay inay Colaadaha iyo Masiibooyinka Dabiiciga cabsi ku hayaan Nolosha Malaayiin qof oo Somali ah.

Waxa uu qiray in Kaalmadda Aadminimadda ay taageri doonto baahida dadka nugul iyo in la hubiyo inay gaaraan dadka sida degdegga ugu baahan.

Sannadkii 2017-kii, Dowladda Kanada waxay Somalia ugu deeqday 29 million oo Dollar oo loogu talagalay Baahida Samafalka ee ka jirta Somalia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: