Dowladaha ku lugta leh Colaadaha Syria oo Shir isugu Imaanaya

Axad, September 20, 2015 (Daljir) — Xoghayaha arrimaha dibadda ee wadanka Maraykanka John Kerry ayaa ku booriyey dowladaha Russia iyo Iran inay kaalintooda ka qaataan sidii uu kursiga madaxtinimada u banayn lahaa madaxweynaha Syria Bashar Al-azad, si dalkaasi xal loogu helo.

John Kerry ayaa sheegay in loobaahan yahay in madaxweyne Bashar Al-azad uu xilka ka dego, laakiin wuxuu sheegay in xilliga iyo qaabka uu xilkaasi u banaynayo ay ku xirnaan doonta laguna go’aamin doono wadahadal.

Kadib wadahadal ay yeesheen xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry iyo dhigiisa Britain Philip Hammond oo maalinimadii sabtidii kadhacay magaalada London, ayaa Kerry ku booriyey Iran iyo Russia inay ka qaybgalaan sidii isbdel siyaasadeed uu uga dhici lahaa Syria.

Mr Kerry ayaa sheegay in Maraykanku soo dhoweyanayo marwalba ku luglahaanshaha Ruushka ee dagaalka kadhanka ah kooxda Khilaafad Islaamiga ah ee Daacish, laakiin xaaladda qaxootiga Suuriya ay tahay mid u baahan balanqaad siyaasadeed oo dalkaasi kadhaca.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com