Site icon Radio Daljir

Dowlada Somaaliya oo Heshiis la Gashay Hay’adda ICAO

Nairobi xarunta dalka Kenya waxaa heshiis ku kala saxiixday Hay’adda maamusha hawada Soomaaliya ICAO iyo Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar).

Heshiiskaas ayaa ahaa sida Dowladda Soomaaliya iyo ICAO ay uga wada shaqeyn lahaayeen sida ugu dhaqsiyaha badan in loo soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in duhurnimada maanta la dhameystiri doono heshiiska ay kala saxiixdeen ICAO iyo Dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version