Dowlada Oo cafis u fidisay dhalinta ka soo baxda kooxda al-shabaab Bisha Rammadaan (Dhegeyso)

Muqdisho, July 10- 2013 – Ra,isal wasaaraha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa mar kale ka hadlay arinta dhalinta ku jirta al-shabaab, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin dhalinyaro la marin habaabiyey oo ay dowladu soo dhoweynayso hadii ay ka soo baxaan kooxda al-shabaab.

Mudane Shirdoon oo umadda muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaalida ?ugu hanbalyeynayey bilashada bisha barakaysan ee Rammadaan, ayaa wuxuu sheegay in dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ay cafis u fidinayso cid kasta oo ka mid ah dhalinyarada la qalday.

? Wiilasha yar yar ee ku jira kooxda al-shabaab waa la qalday dhamantood, bisha Rammadaan darteed mar kale ayaan cafis u fidinaynaa, waan soo dhoweynaynaa? ayuu yiri ra,isal wasaaraha oo la hadlay saxaafada.

Ra,isal wasaaraha dalka wuxuu kaloo ka hadlay faa,iidada bisha Rammadaan isagoo sheegay in ay muhiim tahay in laga faa,iideysto, wuxuu ka codsaday Soomaalida in ay is cafiyaan wakhtiga bisha Rammadaan, isagoo tilmaamay in nabad iyo xasilooni ay ku jirto Bishaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso fariinta Ra,isal wasaaraha Soomaaliya


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com