Dowlada Cumaan oo deeq raashin ah gaarsiisay 1500 oo qoys oo ku sugan magaalada Kismaayo

Kismaayo, July 09- 2013 – Dowlada Cumaan ayaa bilowday qeybinta deeq raashin kala gedisan ah oo loogu tala galay dadka barakaca ah ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada Hoose, qeybinta raashinka oo noocyo kala duwan ayaa socon donta muddo saddex maalmood ah.

Waxaa la xaqiijiyey in dowlada Cumaan ay qorshaysay in ay deeq kala gedisan oo raashin ah siiso 1500 oo Qoys, kuwaasi oo ku sugan xeryaha dadka barakaca ah ee gudaha magaalada xeebta ah ee Kismaayo, halkaasi oo dhowaan ay dagaalo ka dheceen.

Raashinka la siiyey barakacayaasha ayaa la sheegay in uu isugu jiro Bariis, saliid iyo Timir, waxaana Dowlada Cumaan ay ugu talo gashay in dadku ay uga faa,ideystaan wakhtiga bisha Rammadaan ee la filayo in Berrito ay bilaabato.

Saciid Ajalani ?oo ah wakiilka Dowlada Cumaan u qaabilsan bixinta deeqaha kala gedisan ee laga wado gobolka Jubbada Hoose, ?wuxuu sheegay in ay dhowaan sidaan oo kale ka samayn doonaan qeybo kale oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay joogaan dadka barakacay.

Masuulku wuxuu sheegay in qoys kasta la siiyey Kiish Sonkor ah, Timir iyo Saliid, aduunka muslimka oo dhan waxaa la filayaa in Berri la wada Soomi doono, waxaana si weyn loo wada sugayaa bilshada bisha barakacaysan ee Rammadaan.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com