Doorasho Ka Dhacaysa Maanta Magaalooyinka Baydhabo Iyo Dhuusamareeb

Doorasho Ka Dhacaysa Maanta Magaalooyinka Baydhabo Iyo Dhuusamareeb

Waxaa maanta ka dhacaya doorasho golaha shacabka ah magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug iyadoo lagu dooranayo afar kursi.

Saddex ka mid ah kuraastan ayaa waxaa ay doorashadiisu ka dhacaysaa magaalada Baydhabo halka hal kursina lagu soo dooranayo magaalada Dhuusamareeb.

Doorashooyinka maanta ka dhacaysa magaalooyinka Duusamareeb iyo Baydhabo ayaa ka dhigi doonta tirada guud ahaan lagu doortay golaha shacabka sanadkan illaa 17kursi.

Baarlamaanka ayaa waxaa uu ka kooban yahay 275 kursi iyadoo aysan weli doorashadu ka bilaaban isla markaana la shaacin xilliga ay ka bilaabanayso dowlad goboleedyada Hirshabelle,Jubbaland iyo Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com