Doorashadii Barlamaanka Burundi oo la Qabtay iyo Qaramada Midoobay oo dhaliishay

Talaado, Juun 30, 2015 (Daljir)_Burundi waxaa laga qabtay doorashadii baarlamaanka, inkasta oo xisbiyada mucaaradka ahi ay qaadaceen isla markaana ay dhaleecayn badan uga timi Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika oo suaal geliyey in doorashadaas loogu yeedhi karo mid si xor ah oo xalaal ah u dhacday.
 
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqaleyeen rasaas iyo ugu yaraan hal qarax oo ka dhacay caasimadda Buhumbura, inkasta oo magaalada la geeyey ciidamo badan oo ammaanka suga.
 
Illaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah, Saraakiisha Doorashada ayaa sheegay in codbixintu ay u dhacday si habsami ah.Weriyayaasha ku sugan Bujumbura ayaa sheegaya in dad yari u soo baxeen codbixinta.
 
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku baaqay in doorashada dib loo dhigo ayaa doorashadan walaac badan ka muujiyey.
 
Madaxa Midawga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma ayaa walaac ka muujisay waxa ay ugu yeedhay xiisadda ka jirta dalkaas ee ku aaddan dhinaca Siyaasadda iyo ammaanka. Goobjoogayaasha Midawga Afrika kama qayb gelin doorashadii shalay ka dhacday dalka Burundi.
 
Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa war ay soo saartay ku muujisay sida ay uga niyad-jabsan tahay doorashada ka dhacday dalkaas..

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com