Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu qabto doorashada madaxtinimada ee maamul goboleedka HirShabeelle.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan ilaa iyo sideed musharax ayaa guddiga qabanaya waxa uu sheegay inuu si buuxdo ugu diyaar-garoobay inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Sideedaas musharax ayaa waxaa kala dooranaya xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle, iyadoo doorashaduna ay timid kaddib markii isla xildhibaanadaasi ay xilkii ka qaadeen madaxweynihii hore ee maamul goboleedkaasi.

Haddaba si aannu faafaahin dheeraad ah u helno ayaa waxaannu la xiriirnay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi iidow oo kamid ah Baarlamaanka HirShabeelle, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi iidow, oo u warramay Axmed sheekeeye oo marka hore waydiiyay sida ay ugu diyaar-garoobeen doorasahsa maanta?

dhegayso Waraysiga

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *