Doorashadda koonfur galbeed oo mar kale dib u dhacday

Doorashadda koonfur galbeed oo mar kale dib u dhacday

markii saddexaad waxaa dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ,iyadoo 5ta bishan oo ku beegneyd Arbacada soo socota lagu waday inay ka dhacdo Baydhabo.

Doorshadan ayaa labo jeer oo hore dib loo dhigay,iyadoona ay xaaladu tahay Allow sahal marka loo eego xaaladaha ka jira magaalada Baydhabo.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray,waxa uu ku sheegay in 19 bishan la qaban doono doorashada Madaxweynaha.

Dib u dhaca doorashada ayaa loo sababeeyay howlaha baaxada leh ,waqtiga ay haystaan iyo shaqooyinka qabyada ah ee u baahan in muddo cayiman gudaheed lagu qabto.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in markii ugu horeysay ay ogaadeen martida caalamiga ah iyo xubnaha goobjooga ka noqonaya doorashada aanay ku wada imaan karin waqtigii loogu talagalay.

Sidoo kale Guddiga ayaa ku sababeeyay dib u dhaca doorashada in aanay u dhameystirneyn qalabkii doorashada lagu qaban lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com