Site icon Radio Daljir

Doorashada xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo kasocota Garoowe.

Garoowe, Nov 05 2016-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa si habsamileh uga socota doorashada xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka kasoo gelaya deegaamada Puntland, iyadoona laga bilaabay Jaamacadaha PSU iyo JBA.

Muuse Axmed Ismaaiciil ayaa ku guulaystay ka mid noqoshada xubnaha Aqalka Hoose ee Puntland uga mid noqonaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka Somaliya, wuxuuna helay 49 cod isagoo ka guulaystay Faadumo Ibraahim Ismaaciil 7 Cod.


Musharax Cali Yuusuf Xoosh 49 cod ayaa ku guulaystay ka mid noqoshada xubnaha Aqalka Hoose ee Puntland uga mid noqonaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka Somaliya, isagoo ka guulaystay Cabdirashid Xasan Yuusuf 1 cod oo la tartamayey.

Daljir.com

Exit mobile version