Doorashada xildhibaanada aqalka hoose oo Garoowe dib uga bilaabanaysa.

Garoowe, Nov 13 2016—Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa saaka waxaa dib uga bilaabanaysa doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada oo 5tii bishaan bilaabatay ayaa waxa wajigeeda labaad saaka ka furmayaa xarumaha jaamacadaha PSU iyo EAU ee magaalada Garoowe iyadoona ergooyinkii doorashada loodhammeeyey tababaro lagu carbinayey.

Ergooyinka qaar kamid ah beelaha deegaamada Puntland ayaa horay usoo doortay 12 kamid xildhibaanada aqalka hoose iyadoona inta dhiman lagu soodhamayn doono kahor 22 bishaan 11aad ee sanadka 2016.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com