Doorashada Puntland & Degganaanta Wax-u-Socdaan (Qormo)

Doorashada Puntland & Degganaanta Wax-u-Socdaan (Qormo)

Puntland waxay ku jirtaa xilli doorasho oo ah doorkeedii shanaad oo ay dooranayso madaxdii hoggaamin lahayd 5ta sano ee soo socota, taasoo ka bilaabanaysa 8-da bisha Jannaayo ee 2019-ka, wakhtigaasi oo ah markay ku muddaysan tahay qabsoomidda doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeen Puntland, ahna xilliga ay kalkasta dhacdo doorashada madaxtooyadu.

Waxaa ha hadda socda, meel gabogabo ahna maraysa xulidda Baarlamaanka cusub ee Puntland, ahna midkii dooran lahaa madaxda soo socota ee Puntland sida guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeennadiisa, madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, wuxuuna noqonayaa Baarlamaanka hadda la xulayo, middkii 5aad ee Puntland ay yeelato laga soo bilaabo aasaaskii Puntland oo ahaa 1998-dii, waxaana liiska golaha wakiillada ee cusub la shaacin doonaa 31-da bishaan December ee 2018 siday xaqiijiyeen guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanku.

Waxaa la adkeeyey amniga doorashada, iyadoo ciidamo gaar ah oo ah kuwa Puntland, oo leh taliye gooni ah loo xilsaaray amniga caasimadda Puntland ee Garowe oo ah meesha ay ka dhacayso doorashada madaxtooyada iyo midda Baarlamaankuba, kuwaasi oo u sii xillsaaran dhawrista iyo illaalinta amniga guud ee arrimaha doorashada iyo docaha ku xeeran ama ku lugta leh doorashada, sida cod-doone iyo codeeyaba.

Ciidamadaasi gaar ah ee loo xilsaaray amniga doorashada Puntland ee dhiciddeeda loo madlanyahay 8-da bisha ugu horraysa sannadka 2019-ka ee Jannaayo, waa kuwo aad ku arki kartid inta badan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Garowe, iyagoo ku hawlan maalinkii iyo habeenkiiba arrimo amni sugitaan oo iskugu jira il-ku-haynta dhaqdhaqaaqyada iyo isku-soocodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena baaris xooggan ku samaynaya, dadka, gaadiidka dhexmaraya magaalada, kuwa baxaya, iyo kuwa soogelayaba, taasoo muujinaysa feejignaan iyo taxadar xagga amniga doorashada ah, maadaama aysan horay uga jirin taasi magaalada, haddii ay jirtayna aysan sidaas u guda-ballaarnayn.

In ka badan 20 musharrax oo u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka, una badan kursiga madaxweynaha ayaa illaa hadda dhawaqooda musharraxnimo dhegaha ugu shubay bulshada, kuwaasi oo marka mid iyo labo laga reebo intooda kale haysta dhalasho waddamo kale oo aan Soomaaliya ahayn ama haddii si kale loo dhaho Baasabooro dibadeed, inkkastoo imaanshaha Puntland, joogisteeda, ka war-haynta dadkeeda iyo deegaannadeeda ay isku dhammaan oo qaarkood xilliyo badan u soo joogeen, xaalado badan oo Puntland ahna wax kala socdeen.

Musharraxiintaasi kor u dhaaftay 20ka, una tartamaysa jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka Puntland, hadda badankoodu waxay ku soo xaroodeen caasimadda Puntland ee Garowe, sifo la xiriirta soo dhawaanshaha xilliga dhicidda doorashada, waxayna isla Garowe ka wadaan kulamo wadatashi oo u badan xagga bulshada iyo ku qancinta Barnaamijyadooda siyaasadeed, maadaama aysan weli soo bixin Baarlamaankii codkooda lagu tartami lahaa, galaangallada musharraxiintana ka dhigi lahaa mid xooggiisu u weecda xubnaha Baarlamaanka cusub.

Marka la fiiriyo xilligaan iyo sida arrimaha doorashadu u socdaan, illaa hadda waa mid degganaan badani ay ka muuqato, waxaana maamulka, musharraxiinta, madaxda dhaqankuba ay isku raacsanyihiin, kuna wada qanacsanyihiin sida wax u socdaan, haddii ay ahaan lahayd shaqada ay wadaan guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka iyo haddii ay ahaan lahayd amniga doorashada ciidanka ka shaqaynayaba, waana labada jiho ee arrinka doorasho iyo iftiinkiisuba ka baxayo.

Marka wax lagu cabbiro buuqyaraanta doorasho ee jirta, degannaanta wax u socdaan, kalsoonida iyo aaminaadda wadaraysan lagu qabo dhinacyada maamulaya dad xulidda Baarlamaan, iyo illaalinta amni ee doorashada, waa mid muujinaysa niyadsami wax u dhacaan iyo natiijo lagu qanco, balse waxaa weli gacan calool ku jira ah, saadaasha wanaag filasho ka sokowna saluugmo yeelan karta, sida ay wax-u-maqooradaan guddiga xallinta khilaafaadku, ugana dhex-xulaan 66 xubnood oo noqda Baarlamaanka cusub ee Puntland, kuwaasi oo ay tahay in ay ka soo dhex-saaraan, labada boqol ee codsi xildhibaan doon ah ee xaruntooda yaalla waa guddigee.

Ugu dambayn, haddii shaqadaasi guddiga xallinta khilaafaadku noqoto, tallaabo habboon oo aan sarmo-seegto ku jirin, qaneecana u horseedda qabaa’ilka Baarlamaanku ka imaanayo, iyo dhaqankii soo soocdamiyeyba, waxay marag-muujin u ahaanaysaa taasi doorashadu in ay noqoto mid najaxday, dad iyo dalka midaysanna rabitaankoodana ku qabsoontay.

Qayb labaad oo Qormadaan doorashada Puntland la xiriirta, ciwaankeeduna yahay (Doorashada Puntland & Doorka Federaalka) naga filo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com