Doorashada Jubaland iyo wararkii ugu dambeeyay (Akhriso)

Doorashada Jubaland iyo wararkii ugu dambeeyay (Akhriso)

Magaalada Kismaayo waxaa saaka ka dhacaysa doorashada madaxweynaha Jubaland oo ay utar tamayaan ilaa iyo 4 musharax oo midi dumar tahay.

Musharaxiinta tartamaysa waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee jublanad Axmed Madoobe.

Amniga hoolka ay ka dhacayso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sugaya ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya oo qaybta ka ah howlgalka Amisom.

Guddiga Amniga Maamulka Jubbaland ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay in la xiray xuduuda magaalada Kismaayo, sida Cir, dhul iyo badda oo aanay jirin cid geli karta ama ka bixi karta inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Dhanka kale golaha lamagac baxay isbadal doonka Jubaland ayaa dhankooda waxa ay maanta dooranayaan madaxweyne iyagoo shalay baarlamaankii ay soo dhiseen ka dhagaystay musharaxiinta qudbadahooda.

Doorashada Jubaland ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay faraha kula jiraan dowladdaha dariska la ah Soomaaliya oo ay kamid yihiin Kenaya iyo Itoobiya oo kala taageersan Jubaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

goobaha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyo Dekedaba waxaa gacanta ku haya ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya.

Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa horay usheegtay in aysan aqbali doonin wax kasta oo ka soo baxay doorashada Kismaayo ka dhacaysa.
Xasan Heykal, Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com