Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo Berri la qaban doono

Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo Berri la qaban doono

Gudiga Maamulayada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta waxaa ay shaaciyeen in Maalinta Berito oo Sabti ah qabanayaan doorashada Afar kamid ah kurasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu so bandhigay liiska Kuraasta Maalinta Berito ah la dooranayo, iyada oo shalay la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Shanta Kursi.

Kuraasta Doorashadooda la qaqabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP262, HOP229, HOP254 iyo HOP255, waxaana kuraastan horay ugu fadhiyay.

1: HOP262 Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan

2: HOP229 Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale

3: HOP254 Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar

4: HOP255 Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed

Guddiga ayaa ku booriyay Goobjagayaasha iyo warbaahinta daneyneysa in ay xaadiraan doorashada in ay isasoo diiwaangaliyaan illaa maanta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com