Doonyaha Iiraan oo lagu eedeeyey inay weerareen markab British ah

Doonyaha Iiraan oo lagu eedeeyey inay weerareen markab British ah

Doonyo nooca dheereeya oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Iiraan ayaa weeraray markab nooca saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Britain oo gooshayay xeebaha gacanka marinka Hormuuz, sida ay sheegtay dowladda UK.

Sadex ka mid ah doonyaha Iiraan kuma ay guulaysan howlgalkooda inay dusha sare ku fuulaan markabka ganacsi ee Britishka ee adeegsanayay marin biyoodka Hormuuz, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UK.

Dowladda Britishka ayaa sheegtay in markabka ganacsi ee dalkeeda uu baxsaday, kadib qaylo dhaan uu u diray markab kuwa dagaalka oo ay leeyihiin ciidamadooda badda ee ku dhow xeebaha,

“Waxa aynu ka walaacsanahay sii socoshada falalka noocan oo kalle ah, waxaan usoo jeedinaynaa masuuliyiinta Iiraan inay xaaladda gobolka sii kordhin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay UK.

Dhanka kalle wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Javad Zarif ayaa iska diiday eedaymaha loo soo jeediyay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

“Sida cad markabka rarka ee Britishka waa uu gudbay, balse sheegashada ah in la weeraray waa muddo lagu abuurayo xiisad” ayuu yiri.

Ciidamada kacaanka ee Iiraan ayaa sidoo kalle beeniyay inay dhacdo noocaas oo kalle ah ay  ku lug lahaayeen, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Saraakiil katirsan ciidamada Mareykanka ayaa dhankooda u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay rumaysanyihiin shan doonyood oo ay leeyihiin ciidamada Iiraan inay ku lug lahaayeen weerarkan.

“Markabka dagaalka ee boqortooyada  HMS Montrose ayaa ku taagay qoryaha doonyaha Iiraan, isagoona aaladda Radiyaha ugu digay inay qaadin wax talaabo ah” ayaa laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka.

Xiisadda Iiraan iyo dalalka reer galbeedka ayaa sii kordhaysa iyadoo inta badan maraakiibta dagaal ee dalalkaasi ay soo gaareen xeebaha bariga dhexe si’ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Iiraaniyiinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com