Dooni ganacsato Soomaaliyeed u rarnayd oo ku dagtay xeebta Berbera

Dooni ganacsato Soomaaliyeed u rarnayd oo ku dagtay xeebta Berbera

Dooni ganacsi oo ay saarnaayeen rar lagu qiyaasay lacag dhan 50-milyan oo doolar ayaa ku dagtay meel u jirta dekedda Berbera 140mile.

Doonidan ayaa waxaa ay u rarnayd ganacsato reer Somaliland ah, waxaana ay kasoo shiraacatay xeebaha wadanka Imaaraatka Carabta.

Cabdiraxiim Saleebaan Jaamac oo ka mid ahaa ganacsatada ay u rarnayd doonida ayaa sheegay inay saaraanyeen gaadiid kalle duwan iyo bagaash, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shirkadda Daldhis ee Somaliland oo ay u saarnaayeen alaab dhan 9 boqol oo kun oo doolar.

Waxaa uu sheegay in shaqaalaha doonidan Maxamed Al-naciim oo u dhashay wadanka Indiya lasoo badbaadiyay, iyagoo gurmad ka helay diyaaradaha ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya.

Doonidan ayaa degtay, ka gadaal dabaylo xoogan oo ku kacay, taasi oo inta badan dhacda bilaha xagaaga ah ee lagu jiro.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com