Dood looga hadlayeey Dowladnimadda iyo kaalinta Bulshadda oo Muqdisho lagu qabtay

Dood looga hadlayeey Dowladnimadda iyo kaalinta Bulshadda oo Muqdisho lagu qabtay

Doodaan oo ay ka qayb galeen madaxda bulshada rayidka ee dalka, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada a oo ay soo qaban qaabisay madasha Kulan forum ee aragti is waydaarisga (Kulan Forum for ideas and debates) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Cinwaanka dooda oo ahaa Xoojinta Doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhisida Dowladnimmada Soomaaliya, ayaa waxa qayb ka ah martidii kasoo qeyb gashay.

Cusmaan Muxayadiin Macalim (Shaatax) -Guddoomiyaha Ururda Bulshada Rayidka ee Soomaaliyeed.

Xildhibaan Fowziya Yusuf Xaaji Adan, ahna Guddoomiyaha xisbiga National Democratic Party.

Batoole Sheekh Ahmed Gable– Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Yusuf Hassan Mursal– Saxafi rugcadaa ah.

Guddoomiyaha Madasha Kulan forum for ideas and debates C/qaadir Axmed Shirwac oo madasha furay ayaa sheegay sababaha ay u fureen madasha in ay tahay in la helo fagaaro lagu sameeyo doodo dhaxalgal u noqda isla hanaqaadka qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed

“ Madashan ma ah mid cid si gaar ah u leedahay ee waa madal loo sameeyay in dhamaan qaybaha kala duwan iyo mowdooyocda heer qaran ee xal u baahan lagaga wada hadlo Waxaan rabnaa in aan horseedno dhaqan wadahadal madani ah in lagu xaliyo dhammaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha dalkeena ka jira” ayuu yiri Guddoomiyaha Madasha Kulan.

Maadaama bulsho ra’yid ah oo xoog leh ay muhiim u tahay hanaanka dib u dhiska hay’adaha kala duwan ee dalka waxaa madaxda ururda bulshada rayidka ah lagu taliyay in ay doorkooda xoojiyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com