Donald Trump oo saxiixay sharci cusub oo kadhan ah lix dal oo Muslim ah.

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa saxiixay amar cusub oo lagu mamnuucay Muslimiinta lix dal oo ka mid ah todobadii dal ee horey xayiraadooda loo diiday.



Xayiraaaddan oo la mid ah middii hore waxay dhigeysaa in Muslimiinta dalalka Soomaaliya, Yaman, Suuriya, Suudaan, Liibiya, iyo Iiraan aysan gali karin dalka Mareykanka, iyadoo markan laga reebay Ciraaq oo diiwaankii hore ku jirtay.



Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si degan, isagoo xusay in madaxweyne Trump uu doonayo in dadka Mareykanka ay nabad iyo amni ku noolaadaan.



Amarka oo dib u eegis lagu sameeyay wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com