Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa talaadadii waxaa uu Telafan kula hadlay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta,  sida aqalka cad sheegay labada madaxweyne waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga ay ka leeyihiin dhinacyo badan.

Madaxweynaha Mareyakanka waxyaabihii uu Uhuru ka la hadlay waxaa ugu muhiimsanaa sida Kenya ay waqti iyo hanti ugu bixisay la dagaalan-ka waxa ay ugu yeeraan argigixisada.

Donald Trump oo sanadkan bilowgiisa noqday madaxweynaha 45-naad ee Mareyakanka waxaa uu Kenya uga hambalyeeyay iskaashiga ay ka sameeyaan dhanka caqabadaha amni ee gobolka ka jira.

Mr. Trump waxaa uu ammaanay sida Kenya ay qeyb libaax leh uga qaadatay AMISOM iyo in ciidamo Kenya ka socda ay naftooda u hureen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com