Diyaarado kasocda Imaaraatka Carabta oo ka degay Hargaysa

Diyaarado kasocda Imaaraatka Carabta oo ka degay Hargaysa

Laba diyaaradood oo Helicopter ah ayaa ka dagay magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland, waxaana ay kasocdeen dowladda Imaaraatka Carabta.

Diyaaradahan ayaa waxaa saarnaa gargaar loogu talagalay dadka ay duufaantu saamaysay ee ku sugan xeebaha galbeed ee Somaliland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan maamulka Somaliland.

Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa kormeer ku tagay deegaanada ay duufaantu ku dhufatay ee xeebaha Galbeed ee Somaliland, isagoona sheegay xaalad banii’aadantinimo oo liidata inay ka jirto deegaanadaasi.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com