Diyaarado duqeeyey gobolka Mudug

Diyaarado duqeeyey gobolka Mudug

Wararka laga helayo deegaanka Cadaley oo katirsan Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya duqayn diyaaradeed inay ka dhacday shalay deegaankaasi, taasi oo lala beegsaday xarun ay leeyihiin Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya duqayntan in lagu dhuftay mid ka mid ah gaadiid goobta yiilay, dadka deegaanka ayaa sidaasi soo wariyay mana jirto wax faahfaahin ah oo kasoo baxday Al-shabaab iyo dhinacii weerarka gaystay.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidamo Soomaali ah ayaa inta badan weeraro ka gaysta deegaanada ay maamulaan Al-shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com