Diyaaradaha Maraykanka oo laga Mamnuucay isticmaalidda Hawada Soomaalia

Sabti, May 16, 2015 (Daljir) — Hay’adda Federalka ee Maamulka Duulista Hawada ee Maraykanka (FAA) ayaa ka mamnuucday dhamaan Shirkadaha Diyaaradaha Maraykanka inay isticmaalaan Hawada Somalia.

Qoraal ka soo baxay Hay’addaasi bishan May 12-dii ayaa lagu shaaciyey inaysan Diyaaradaha Rakaabka ee Maraykanka adeegsanin Hawada Somalia, iyado o xustay inay weli colaado ka jiraan Somalia.

Waxa ay ka digtay inay weli jiraan cabsi weeraro oo ay Maleeshiyooyinka iyo Kooxda Alshabaab la beegsan karaan Diyaaradaha Maraykanka ee marin ka dhigta Hawada Somalia.

Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa horey Somalia ugu dartay Liiska dalalka laga mamnuucay Diyaaradaha Maraykanka inay dul-maraan ama ku degaan.

Hay’adda Federalka ee Maamulka Duulista Hawada ee Maraykanka (FAA) waxay sheegtay inay Kooxaha Maleeshiyooyinka u adeegsan karaan Gantaalladda Lidka Diyaaradaha inay la beegsadaan Diyaaradaha ku duulaya Joogga sare ee Hawada Somalia.

Hay’adda FAA  waxay digniinta cusub asaas uga dhigtay Falkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab  bishii March ee sannadkii 2007-dii ku soo rideen Diyaarad xamuul oo nooceedu ahaa IL 76 oo xilligaasi ka duushay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Dowladda Australia ayaa qaadatay inaysan Shirkadaha Diyaaradaha dul mari karin  Hawada Somalia.

Hadal ka soo baxay Hay’adda Badbaadada Duulimaadyaradda Rayidka Australi (CASA) ayaa uga digtay Shirkadda Australia khatarta ka jirta Hawada Somalia.

Afhayeenka Shirkadda QANTAS, Peter Gibson ayaa sheegay inaysan Hay’adda CASA awood u lahayn inay bixiyaan Awaamiirta Duullimaadka  ee Shirkadaha Diyaaradaha Australia.

Waxa uu shaki geliyey inay Shirkadda Diyaaradaha ee QANTAS adeegsadaan Hawada Somalia, marka ay ku sii jeedaan dalka Koonfurta Afrika.

Inkastoo ay Dowladaha Maraykanka iyo Australia soo saareen go’aankaasi, ayaa waxaa haddana jira Shirkaddo Caalami ah oo ay Diyaaradooda adeegsadaan Hawada Somalia iyo kuwo ku soo dega Garoomadda Diyaaradaha ee Somalia, gaar ahaan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaana ka mid ah Shirkadaha safka hore kaga hore Shirkadda duullimaadyadda joogta ah ku yimaada Somalia, waxaana Shirkadda Turkish Airlines adeegsada Qurbo-joogta iyo Ajaaniibta ka kala yimaada Maraykanka, Canada iyo dalalka ku yaalla Galbeedka Europe,

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com