Diyaaradaha Maraykanka oo duqayn ka geeystay Shabeelaha Hoose

HomeWararka

Diyaaradaha Maraykanka oo duqayn ka geeystay Shabeelaha Hoose

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah o

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib u celiyay Jinsiyaddii labaad iyo Baasaboorkii Mareykanka ee uu heystay.
Beesha Caalamka oo faragalin ku samaynaysa Arrimaha doorashooyinka dalka
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 12- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Huley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab.

Mareykanku mashaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas,hayeeshee waxa ay xaqiijiyeen in duqeyntaa aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana horantii todobaadkaan weerar dhinaca cirka ah uu ku qaaday deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: