Diyaarad ku dhacday Waqooyiga Nigeria

Diyaarad ku dhacday Waqooyiga  Nigeria

Ciidanka cirka ee ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda qumaatiga u kaca ee la dagaallamaya xooggaga Boko Xaraam ay ku soo dhacday waqooyi bari dalkaasi.

Diyaaradda ayaa soo dhacday gelinkii dambe ee shalay xilli uu dagaal culus degaankaasi ku dhexmarayay milateriga Nigeria iyo dagaallamayaasha Boko Xaraam.

War qoraal ah oo uu soo saaray ciidanka cirka ee Nigeria ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay hawada ka taageeraysay ciidamada dhulka ee Boko Xaraam kula dagaallamaya degaanka Damasak oo u dhaw xuduuda uu dalkaasi la leeyahay Niger.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com