Diyaarad aan cidi wadin oo kusoo dhacday koonfurta Soomaaliya.iyo Shabaab oo sheegtay.

Buulomareer 28 May. goob joogayaal ?kusugan deeganka buula mareer ayaa warbaahinta Daljir usheegey inay halkaasi kusoo dhacday diyaarad nooca aan duuliyuhu wadin ah.
?
Diyaaradaan ayaa kusoo dhacday meel ku dhow deegaanka buulo mareer ee gobolka shabeelada hoose waxaana ay ku dhacday diyaaradaani meel ka durugsan magaaladda buulo mareer oo ay degan yihiin dadka reer guuraga ah.
?
inkasto aysan cadayn sababta soo riday diyaaradaan hadana kooxda alshabaab ee looga awooda roonaday koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaan kadib markii ay hubka lidka ee loo isticmaalo gaadiidka hawada ku garaaceen waxaana ay warkaasi ku sheegeen goob ay kuleeyihiin ?Boga Twitterka ee laga isticmaalo Internetka.
?
Dhinaca kale waxaa xaqiijiyey soodhicitaanka diyaaraddaas Guddoomiyaha gobolka shebeelada hoose ee Dowladda Soomaaliya oo u waramay Radio daljir waxaana uu sheegey inay diyaaradu kusoo dhacday deegaankaasi.
Deegaanka buulo mareer ayaa kamid ah goobaha ay wali ku dhuumaleysanayaan kooxda shabaab ee lagala wareegey inta badan gacan ku haynta goobo muhiim u ahaa ee ?gobolada koonfureed .
?
Idle Moallim Omar?
Radio Daljir Somalia
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com